372 Views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo digniin u diray Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo digniin u diray Rwanda
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 6, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ka digay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay in uu dagaal la galo dalka ay deriska yihiin ee Rwanda xilli uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

“Haddii Rwanda ay sii wado daandaansiga aysan indhaha ka dadan doonin, ma nihin dad tabar daran” ayuu yiri Félix Tshisekedi oo u warramayay wargeyska kasoo baxa UK Financial Times.

Wuxuu ku eedeeyay Rwanda inay taageereyso fallaagada M23.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu marar badan beeniyay inay taageero u fidiyaan fallaagadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post