1515 Views

NIDAAM DOORASHO “HAL QOF & HAL COD” MA KA DHICI KARAA SOOMAALIYA ?

NIDAAM DOORASHO “HAL QOF & HAL COD” MA KA DHICI KARAA SOOMAALIYA ?
____________________________________________________________________________

NIDAAM DOORASHO “HAL QOF & HAL COD” MA KA DHICI KARAA SOOMAALIYA ?

Wadammada horumaray oo ay u dhisan yihiin hay’ado qaran oo dhidibo adag ku taagan islamarkaana leh nidaam ay ku soo saaraan shuruuc iyo awood ay ku fuliyaan habka doorasho u dhacdo, waxay howshaas bilaabaan waqti aad uga horeeya xilliga uu qofka muwaadinka ah uu si xor ah codkiisa u dhiiban doono, iyagoo si taxadar leh u diyaariya barnaamijka ay hoowshaas ku fulin doonaan, islamarkaana ay xog ogaal u yihiin shacabka ay howshaasi u qaban doonaan. Inta aan la gaarin doorasho in laga hadlo waxaa muhiim ah in ay diyaar yihiin qodobabada ay ka mid yihiin nooca doorasho ee loo baahan yahay in uu mas’uul xil ku qaado, hadaba waxaa is weeydiin leh waa maxay doorasho ?

Doorasho waxaa lagu macneeyaa fikir shacabku ay ku soo bandhigaan kala xulasho sharci loo hogaansan yahay lagu maamulo, taasoo noqon karta doorasho hogaan(Election) ama ogolaansho/diidmo sharci ama dastuur wadan u yaala(Referendum), taasoo lagu nidaamiyo habab la aqoonsan yahay laguna kala bixiyo codadka shacabku dhiibtaan, hababkaas oo ay kuwooda dadyoowga ilbaxda ahi ku dhaqmaan ugu caansan yihiin:-

▪ BORDA CORDA COUNT AMA SINGLE WINNER: Waa habka caanka ah uu soo bandhigay nin xisaabyahan Faransiis ahaa lana oran jiray Jean Charles De-Borda, kuna yimaada dood dheer oo rag iyo dumar musharixiin ah dhexmarta kedib, musharax ku guuleeysto codadka degaamo(Constituency) ama shacabwaynaha dad dal wada degan ku doortaan oo la isku daro boqolkiiba inta ugu badan musharaxa hela, iyadoo la sheego tirada codadka la dhiibtay oo lagu cabiray habka boqoleeyda (Tusaale Musharax A= 62%, Musharax B = 38% )

▪ INSTANT-RUNOFF OR PREFERENTIAL VOTING: Waa nidaamka doorasho oo ay ku tartamaan musharixiin badan, iyadoo looga baahan yahay inuu musharuxu helaa cod ka badan 50% si uu u guuleeysto, laakiin hadii aysan dhicin in wareega hore la helo ruux hela codkaa waxaa loo gudbaa wareeg cusub, iyadoo laga saaro wareega labaad musharixiinta codadka yaryar hela kedibna halkaa ay doorashadu qaabkaa ku sii socoto ilaa laga helo musharax ku guuleeysta codka aqlabiyadda, waxaa u isticmaala nidaamka noocan ah doorashada guud dalka Australia, iyadoo wadamo badana ay u isticmaalaan doorashooyinkooda Gobollada ama magaalooyinka sida Canada(Alberta).

▪ PROXY VOTING: Waa qaab koox yar oo la ciyamay ay soo xulaan shaqsi mas’uul ka noqda bulsho ama dad la cayimay tiradooda( Tusaale halkii cod ee uu shaqsigan(Proxy) dhiibto wuxuu la mid yahay tiro dad ah) kedibna kooxdaas ama shaqsiyaadkaas ay codkooda ku kala saaraan musharaxiinta, waa hab aad u muran badan oo aan badanaa lagu qancin xulashadooda, waxaana tusaale kuugu filan habka barlamaanka Soomaliya ee hadda jira qaabka lagu soo xulo iyo habka ay Madaxweynaha u xushaan oo ah hab aysan bulshadu kuwada qanacsaneeyn.

Hadaba hadaanu fiirino juhdiga ay u baahan tahay doorasho in la geliyo lana eego xaalka Soomaaliya iyo maamulka maanta jira howshaas wax ma uga bilaaban tahay?
Jawaabtu waxay tahay maya, sababtoo ah qaab dhismeedka dadka Soomaaliyeed oo ah mid aan u bisleyn nidaam doorasho iyadoo ay ugu wacan tahay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:

1. Qodobka ugu horeeya ee doorasho wadan uga dhacdaa waa in la ogyahay tirada guud ee wadankaasi yahay iyo tirada codeeyn karta ama buuxin karta shuruudda codeeynta, dadka Soomaliyeed oo qiyaastii ugu danbeeysay lagu sheegay (12.316.895 Qof) ahna inta wadanka ku sugan oo aanay jirin cid qiyaasi karta inta ka codeyn karta.

2. Arinka kale ee muhiimka ah wuxuu yahay iyadoo aanan doorasho guud lagu qaban karin dastuur ku meel gaar ah, oo loo baahan yahay dastuur dhameystiran cod dadweeynana loo qaado isla markaana ay ku qeexan yihiin dhamaan qodobada doorasho, xadididda tirada codadka loo baahan yahay inuu xildhibaanka federalka helo, hab dhaqameedka iyo nidaam sharciyeedka wadanka oo qayaxan mugdina aanu ku jirin.

3. Amni sugi kara in shacabku si xor ah codkooda u dhiiban karaan.

4. Waxaa kaloo aan marnaba suurta gal ahayn in la qabto doorasho iyadoo aysan dhisneyn hay’adda garsoorka qaranka iyo xubneheeda oo uu dastuur shacabku ansixiyay sharci dhismeedkoodu qeexay ku dhisan.

5. Dhibka ugu weyn ee kale oo jirana uu yahay dadka Soomaaliyeed oo qabaa’il u kala gogo’an islamarkaana qola walba ay sheegato tiro ay iyagu sameeysteen.

Qodobadaas aan kor ku soo xusay oo ah saldhigga doorasho qaran ku iman karto iyo hab degaameedka dadka Soomaaliyeed ee shaxdaan qiyaasta tirada dadka Soomaalida oo lagu daray IDP’s(Internally displaced persons) ama dadka ku barakacay dalkoodii oo aan la isku raacsanayn ka muuqta hadii aan barbardhigno awooda maamulka maanta jira iyo shacabka soomaliyeed, waxaa kuu soo baxaya in aanu midkoodna diyaar u ahayn kana suurto geli karin wax doorasho u qaab eg iyadoo waqtigii ugu badanaa ee maamulka Soomaaliya uu galay siyaasadda Villa Somaliya oo ay sababtay isqabqabsi madaxda sare iyo xildhibaanada baarlamaanka, dastuurkii ku meelgaarka ahaa oo aanan weli la dhameystirin, waxaa kale oo iyana jirta dhisme qaybo maamul goboleedyo dadweeynuhu aysan raali ka aheyn dowladduna faraha la gashay dushana looga keenay ama qaarkood awood sheegasho beeleedyo ku dhisan oo ay xaaladahaasi ka muuqanayso kaalinta ay ka qaataan nabadgelya xumada ka jirta meelo badan oo ka mid ah maamuladaas iyo caasimadda Muqdisho.

Gabagabadii xaalka doorashada lagu balansan yahay waxa uu u muuqdaa mid loogu gogol xaaranayo in waqti kordhin baarlamaanka iyo maamulka sare ee wadanka, iyadoo ay ku doodi doonaan in waqtigu ku yar yahay ayna doonayaan in waqti la siiyo ay ku dhameystirayaan howl aanan weligeed ka dhamaan doonin Soomaaliya ahna tan ay gacan shisheeye ka danbeeyso oo ah in aan dadka Soomaaliyeed weligood madaxa kor u qaadin.

Faallada Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post