1764 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 28, 2018 –  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay ku xalineyso khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo marba marka ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, iyada oo shalay gelinkii dambe ay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ku dhaw dhaw kulanka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu labada garab u soo jeediyay in khilaafkooda ay xaliyaan, iyada oo uu tilmaamay in dowladda ay la garab taagan tahay wax walba oo lagu xalinayo khilaafka.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay in xukuumadda Soomaaliya ay tuhunsan yihiin in ay ku lug leedahay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee Galmudug, Madaxda sare ee dowladda dhexena loo baahan yahay in ay faragelinta ka daayaan Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay beeniyeen jiritaanka in xukuumadda Soomaaliya ay faragelin ku heyso Galmudug, laakiin ay sheegeen in ay iyagu ay diidan yihiin isbedel lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka.

Dhinaca kale Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa la sheegay in uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo wada hadalka lagu heshiisiinayo Madaxda Galmudug.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment