843 Views

Turkiga oo War kasoo saaray xiisadda dalalka Ukraine & Ruushka

Turkiga oo War kasoo saaray xiisadda dalalka Ukraine & Ruushka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2021–Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in wadahal lagu dhameeyo xiisada ka taagan bariga Ukraine ee gobolka Donbas taasi oo ku aadan qilaafka soo kala dhaxgalay dalalka Ukraine iyo Ruushka.

Madaxweyne Erdugan ayaa waxa uu walaac ka muujiyay xaalada siyaasada cakiran waxaana uu kulan uu la qaatay dhiggiisa Ukraine ee Istanbul,ayaa sheegay in miiska wadahadalka la iskugu yimaado waxaana uu inta ku daray in Turkiga uu diyaar u yahay inuu bixiyo wixii taageero ah ee loo baahan yahay.

Erdogan iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Istanbul Sabtidii iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa Kyiv iyo Moscow oo ku saabsan khilaafka muddada dheer ka socday Donbas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post