1119 Views

Soomaaliland oo shaacisay cida siideysay Markabkii siday Xoolaha

Soomaaliland oo shaacisay cida siideysay Markabkii siday Xoolaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday dekadda Magalada Berbera,hayeeshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas.

 

Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u beeniyay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliland Cabduqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Ganacsi oo adag,isla markaana Markabkii xoolaha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Soomaaliland ah.

 

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan tahay mid dooneysa in Soomaaliland kasoo xirto meelo badan,hayeeshee taasi aysan soconeyn, isaga oo sicad u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya uu siidaayay Markanka Xoolaha siday ee ku xayirnaa dekadad ku taalla dalka Sacuudiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment