2361 Views

Gelinsoor Roob ka di’maayo inta isbaaro taal !!! – Maqaal

Gelinsoor Roob ka di’maayo inta isbaaro taal !!!   – Maqaal
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa sheegay in deeq gar gaar ah la gaarsiinayo degaannada Maamulka Galmudug.

Xaaf waxaa uu sidoo kale ka hadlay xaaladda degaanka Gelinsoor oo ka mid ah goobaha ay abaaraha saameynta ku yeesheen.

Waxaa uu sheegay in Gelinsoor aysan abaarta ka baxeyn sidoo kalena Roob ka da’eyn inta ay Isbaaro taallo,waxaana uu dadka degaankaas ugu baaqay in ay iska qaadaan Isbaarada degaanka taalla ee lagu dhibaateeyo dadka isaga kala goosha Gobollada Soomaaliya.

Xaaf, waxaa uu dadka degaankaas ku boorriyay in ay isbaarada iska qaadaan,haddii ay doonayaan in ay dadka ku soo laabtaan haddii kalena ay inta hadda ku taalla dumayaan sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay  in todobaadkan gudahiisa ay 500 oo Qoys heli doonaan gargaar,waxaana uu Odayaasha,Culimada iyo guddiga loo saarayo kula taliyay in ay ka fogaadaan wax isdaba marinta.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment