729 Views

Twain oo Somaliland u soo direysa gargaar iyo koox khuburo ah

Twain oo Somaliland u soo direysa gargaar iyo koox khuburo ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November11, 2020 –Taiwan ayaa bishaan u soo diri doonta koox ka socota dhinacyada horumarinta ee ka shaqeeya arrimaha beeraha, isgaarsiinta, iyo mashaariicda caafimaadka maamulka Somaliland sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda ee Twain.

Maamulka Twain ayaa sheegay in kooxdaan ay hoggaamin doonaan gargaar la gaarsiin doono Somaliland.

Dhamaadka Nofeembar, Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta (ICDF) ayaa koox gargaar u diri doonta Somaliland si ay u furaan xafiis saldhig u noqda shaqada laga bilaabo bilawga 2021.

Wafdi ka kooban afar xubnood ayaa durbadiiba indha indheeyay aagga waxayna diyaarinayaan howlo ku saabsan mashaariic ay ka mid yihiin kordhinta wax soo saarka khudaarta, hagaajinta isticmaalka dowladda ee tikniyoolajiyadda macluumaadka, iyo daryeelka caafimaadka ee dhallaanka iyo haweenka uurka leh.

Twain ayaa ka furatay xafiiskeeda Hargeysa bishii Ogosto waxaana loo arkay guul weyn oo u soo hoyatay diblomaasiyada Taiwan.

Somaliland oo diblomaasiyad ahaan ku go’doonsan Geeska Afrika, ayaa xafiis ka furtay magaalada Taipei 9-kii Sebtember.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post