477 Views

WHO oo war horleh ka soo saartay Xanuunka Furuqa Daanyeerka

WHO oo war horleh ka soo saartay Xanuunka Furuqa Daanyeerka
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Hay’adda Cafimaadka Adduunka ee WHO ayaa xanuunka Furuqa Daanyeerka u aqoonsatay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalamka ku soo korodhay.

Digniinta ka soo baxday WHO ayaa imanaysa kaddib markii kiisaska cudurkaasi uu caalamka ku soo batay.

Warka ka soo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ka soo baxay gabagabada shirka labaad ee guddiga gurmadka ee WHO ee cudurkan.

In ka badan 16,000 oo kiis oo cudurkaasi ayaa laga diiwaan geliyey 75 dal oo daafaha caalamka ku yaalla, ayuu yiri agaasimaha guud ee WHO Dr Tedros Adhanom Gebreyesus.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray tani iyo marki uu cudurka dillaacay iney shan qof u dhinteen. Cudurka oo daafaha caalamka ku sii faafaya marki la arkayna la go’aamiyey in xaalad degdeg oo caafimaad lagu dhawaaqo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post