597 Views

Talaalka HIV-ga oo ay tijaabadiisa ka bilabaatay Afrika

Talaalka HIV-ga oo ay tijaabadiisa ka bilabaatay Afrika
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

Shirkadda Mordana ee sameysay talaalka cudurka Covid-19 ayaa hada sameysay talaalka cudurka Aids-ka ka soo ay tijaabadiisa kasocoto wadamo ku yaala qaarada Afrika.

Horraantii sanadkan, shirkada Moderna ayaa gudaha Mareykanka ka bilawday tijaabadii ugu horeysay ee tallaalkeeda HIV-ga taasi oo ay u adeegsatay qayb ka mid ah taxanaha HIV RNA, sida borotiinka dib u habeynta.

Tijaabada Mareykanka ka dhacday, waxaa la go’aamiyay in uu tallaalka badbaado yahay oo uu kor uqaaday difaaca 97 boqolkiiba gaar ahaan tijaabada lagu sameeyay (dadka waaweyn ee caafimaadka qaba ), ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadan.

Shirkada ayaa sheegtay in tijaabada hada laga bilaabay Afrika ay noqon doonto mid qof walbo u furan oo aan kala sooc lahayn, taasi oo macnaheedu yahay in dhammaan ka qaybgalayaashu ay heli doonaan tallaalka.

Talaalka ka dib waxaa lala socon doonaa muddo lix bilood ah si loo ogaado in talaalku yahay mid bad qaba, halka ka jawaab celinta difaacooda si weyn loola socon doono

Arintan ayaa hadii ay dhab noqoto war farxad leh u noqon doonto malaayin qof oo kunool dunida qeybaheeda kal duduwan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post