1902 Views

Wasiirka Amniga oo magaca ka beddelay Godka Jilacow

Wasiirka Amniga oo magaca ka beddelay Godka Jilacow
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Wasiirka Amiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaaladda oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xabsiga Godka Jilacow magaca laga beddelay.

 

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in hadda kaddib Xarunta Xabsiga Godka Jilacow laga dhigay Xero tababar oo Ciidamada Nabad sugidda ay wax ku baran doonaan.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Ciidamada nabad Sugidda la bari doono xuquuqda aadanaha iyo xirfad dhisidda maxaabiista.

Agaasimaha qeybta Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/Nuur Maxamed ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Maxaabiista la barayo habka nolosha iyo xirafado cusub.

Waxaa uu sheegay in qorshaha lagu xiray Godka Jilacow ee looga dhigay Xarun tababar ciidan ay tahay dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada Soomaaliy

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment