675 Views

QM oo taageero horleh u balan qaaday Soomaaliya

QM oo taageero horleh u balan qaaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Wasiirka caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qm u qaalbilsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duwaha arrimaha bini aadanimada Adam Abdelmoula.
Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaaladda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qm uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay  dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayeynaayo dhamaan Hey’adahan.
Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.
Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yihiin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka codsaday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post