1041 Views

Rooble “ Axmad Madoobe ayaa masuul ka ah doorashada Garbahaarey iyo Kismaayo ee Jubbalnad

Rooble  “ Axmad Madoobe ayaa masuul ka ah doorashada Garbahaarey iyo Kismaayo ee Jubbalnad
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta markii uu ka ambabaxayay magaalada Kismaayo waxa uu sheegay inuu socdaal ku mari doona guud ahaan magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka soo socda ee dalka, si uu ugu kuurgalo diyaargarowga howlaha doorashada iyo ammaanka magaalooyinkaasi.

Rooble waxa uu sheegay in safarka uu ku tagay magaalada Kismaayo uu qeyb ka ahaa arrimaha doorashada Soomaaliya ee uu isagu mas’uulka ka yahay.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu dhanka kale carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu mas’uul ka yahay doorashooyinka ka dhici doona magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey, isagana uu kala xisaabtami doono, maadaama mas’uuliyadda doorashada ay isaga saaran tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post