uqdisho, 20, April 2017 Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan in Ururka Al-Saadicuun Bil Xaq aysan yeelan karin wax kulamo ah, sidoo kalena aysan soo saari karin Bayaan cod ama qoraal ah.
War ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Kooxdan oo ah kuwa Takfiir dadka Muslimiinta ah inay gaaleysiinayaan.
Cusmaan Aadan Dhuubow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay Culimadda Soomaaliyed iyo Wasaaradda inay isla garteen Kooxdaan inay tahay Qatar cusub.
Wuxuu sheegay Wasiir ku xigeenka dadka Muslimiinta ah inay u arkaan Kooxdaan kuwa Gaalo ah, taasina ay tahay wax aanan la aqbali karin.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________