921 Views

Waaxda socdaalka Ingiriiska, oo caqabad kala kulmay wiil ay doonayeen in ay Soomaaliya u soo tarxiilaan

Waaxda socdaalka Ingiriiska, oo caqabad kala kulmay wiil ay doonayeen in ay Soomaaliya u soo tarxiilaan
____________________________________________________________________________

Waaxda socdaalka Ingiriiska, ee loo yaqaan [Home office] ayaa hungo kala kulmay isku dayo dhowr ah oo ay ku doonayeen in ay dalkooda kaga soo masaafuriyaan Yacqub Axmed oo ah Soomaali 32 jir ah,  kuna eedeysnaa inuu ka mid ahaa koox dhalinyaro ah oo kufsatay gabar dalkaasi u dhalatay.

Isku daygii ugu dambeeyey ee la doonayay in Yacqub Soomaaliya loogu soo celiyo ayaa ahaa 2 sanno ka hor, hasse ahaatee wuxuu qorshahaasi fashil ku soo idlaaday markii rakaabkii saarnaa dayuurada Turkish Airlines  ay codsadeen in laga dejiyo dayuurada sawaxanka iyo qayladiisa darteed, iyada oo xilligaas la doonayay in si qasab ah lagu soo saaro dayuurada, hasse ahaatee Yacqub ayaa  rakaabkii ay ka joogi waayeen qayladiisa darteed.

Markaa kaddib Yacqub waxaa lagu sii daayay damiin, hasse ahaatee waxaa la soo qabtay isaga oo doonayay inuu baxsado, waxaanna soo kordhaya cabashada ka imaanaysa qoyska gabadha uu kufsaday & gabadha qudheeda, oo codsanaya in dalkooda laga tarxiilo.

Priti Patal oo u hadashay waaxda socdaalka Ingiriska waxay sheegtay in intii karaankooda ah ay ku dedaali doonaan in ay dalkiisa u tarxiilaan, waxay sheegtay Yacqub inuu jabiyay sharciga dib u celinta, waxayna dalbatay in sharcigaasi la adkeeyo.

Dhanka kale waxaa jira walaac la xiriira ammaankiisa haddii Soomaaliya si qasab ah loogu duuliyo, iyada oo ehelada iyo waalidiinta Yacqub ay ka cabanaya in ay wiilkooda oo Soomaaliya lagu celiyo ay ka dhigan tahay iyada oo loo bareeray in naftiisa qatar la geliyo, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya uusan cidna ka garanayn, ayna suurtagal tahay inuu bartilmaameed u noqdo kooxaha argagixisada ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post