1362 Views

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 24, 2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Xasan Sheekh ayaa waxaa tacsi u diray dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee Maanta ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay  Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa Alle uga baryay dadkii halkaas ku dhintay in Janada ka waraabiyo,halka ku dhaawacmay Alle Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

 

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in sidaan wax laga baddalo oo loo istaago badbaado Qaran. Dadka siyaasadda isku dhibsadana waxaan leeyahay Al-shabaab uma kala sokeysaan oo mid uu hoobiye ku tuuro iyo mid uu qarax la beegsado ayaan u dhaxeynaa ee Soomaaliyey badbaado ha loo istaago”ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Qaraxii galabta ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Mas’uuliyiin Sar Sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment