984 Views

Wafdigii gaaray Beledweyne oo kormeeray Goobaha uu Wabiga ka fataho

Wafdigii gaaray Beledweyne oo kormeeray Goobaha uu Wabiga ka fataho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya ee Wasiirada ahaa ee Maanta gaaray Beledweyne ayaa waxaa ay kormeereen Goobaha uu Wabiga ka fataho iyo Kiliga Hilikiliyo iyo Goobo kale.
Wafdiga oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Ing, Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameeyeen halka laga dhisi karo Biyo xireen si loogu guuleysto joojinta fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Xubnaha horkacayay ayaa geeyey Goobaha uu inta badan ka fataho Wabiga,isaga oo sheegay inay muhiim tahay in laga hortago fatahaada Wabiga.
Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Xaafado ka tirsan Beledweyne uu Wabiga ka fatahay,isla markaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment