1068 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, islamarkaana beddelo Donald Yamamoto.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo safiir cusub u soo magacaabay  Soomaaliya, islamarkaana beddelo Donald Yamamoto.
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta safiir cusub usoo magacaabo Soomaaliya, islamarkaana beddelo safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Biden uu safiirka Soomaaliya u magacaabi doono danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda.

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017.

André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah.

Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.

Xigasho caasimadda.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post