954 Views

Turkiga oo Cambaareeyay qarxii shalay ka dhacay Muqdisho

Turkiga oo Cambaareeyay qarxii shalay ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Dowladda turkiga ayaa Cambaareysay weeraro geystay khasaaro siugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka kala dhacay dalalka Soomaaliya iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen askar iyo Shacab intaba.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war kasoo baxay waxaa lagu cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Taliska qeybta 12-ka Apriil oo ku taalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Stadiom Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka murugeyanahay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Dowladda qeybta 12-ka april ee Muqdisho,weerarkaas oo ay ku dhinteen 8 ruux tiro kalena ku dhaawacmeen, Waxaan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed , waxaan u rajeyneynaa Allah ha u naxariistee kuwa naftooda ku waayey iyo dhaqso u soo kabashada kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Dowladda Turkiga.

Dhinaca kale war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weerar ka dhacay Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla Namoungou ee Dalka Burkina Faso 7-dii Bishaan August ee 2020, isla markaana weerarkasi uu la mid yahay mid garaay dalkeeda.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha dhinaca Ammaanka ka taageera Soomaaliya,waxaana Magaalada muqdisho ka dhistay Saldhig weyn oo lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post