1233 Views

Gabadhii Amiirad Amiirad Latifa Dubai ee la weysanaa oo garoonka Madrid laga helay

Gabadhii  Amiirad  Amiirad Latifa Dubai ee la weysanaa oo garoonka Madrid laga helay
____________________________________________________________________________

 

Isniin June 21 2021

 

Waxaa soo baxay sawir muujinaya Amiirad Latifa, oo ah gabadha Amiirka Dubai, taas oo bilihii la soo dhaafay aan la arkin isla markaana aan warkeeda la maqlin.

Sawirkan oo la soo dhigay barta Instagram ayaa muujinaya Amiirad Latifa oo garoonka Madrid kula sawiran qof ay saaxiibbo yihiin.

Bishii February, BBC ayaa baahisay muuqaal ay soo duubtay Amiirad Latifa oo ay ku sheegeyso in lagu hayo guri ayna u cabsaneyso nolosheeda.

Muuqaalka ayaa sababay in Qaramada Miodobay ay dalbato in la caddeeyo inay nooshahay iyo in kale.

Khubarrada xuquuqda aadanaha qq QM ayaa sidoo kale dalbaday in gabadhaas si degdeg ah loo sii daayo.

Imaaraatka Carabta ayaa mar dambe sheegtay in Latifa “lagu xannaaneynayo guriga”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post