804 Views

Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Bari

Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay waddada laamiga ah ee u dhexeeya tuulooyinka Dalweyn iyo Jurile oo ka tirsan Gobolka Bari.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari, waxaana inta la xaqiijiyay shilkaasi ku geeriyooday saddex gabdhood halka laba Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Labada Gaari ee isku dhacay ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo Magaalada Dhahar ee Gobolka  Sanaag.
Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Ciidanka Ilaalada waddooyinka Puntland ayaa gaaray goobta uu shilka ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadka dhaawac ah, sidoo kalena goobta ka qaaday meydadka Haweenka ku dhintay Shilka.
Saraakiisha Ciidamada ilaalada waddooyinka waxaa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira waxa sababay shilka iyo sidii looga hortegi lahaa shilalka soo laab laabta.
Qaar kamid ah Bulshada kunool degaannada ku teedsan wadada laamiga ah ee marta inta u dhexeeya tuulooyinka Dalweyn iyo Jurile oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen inay muujinayaan cabasho ku aadan shilalka Gaari ee wadadaas kusoo laab laabtay.
Degaano badan oo kuyaal Gobolada Bari iyo Nugaal ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay shilal gaari oo geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post