1191 Views

dalka Azerbaijan oo Armenia maxabiis uga beddelatay xog muhiim ah

dalka Azerbaijan oo Armenia maxabiis uga beddelatay xog muhiim ah
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Azerbaijan ayaa 15 maxabuus dagaal ku wareejisay dalka Armenia iyada oo celinta maxbiistaasi uu gacan ka geystay dalka Mareykanka.

Maxabiistaasi ayaa gacanta Azerbaijan ku jiray bilooyin kaddib marki dagaal qaraar uu labada dal dhexmaray.

Azerbaijan ayaa Armenia maxbiistaasi uga beddelatay khariidad miinooyin lagu aasay aagga Agdam oo ka mid ah dhulki ay dagaalka ku qabsatay Azerbaijan iyada oo miinooyinka xilliga dagaalka la aasay ay dhimasha iyo dhaawacba u geysteen shacab aad u badan.

Labada dal ayaa sanadki hore ku dagaallamay gobolka Nagorno-Karabakh dagaalkaasi oo soo dhammaaday 7 bilood ka hor.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post