723 Views

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo sheegay in qaxooti Soomaali ah dalkooda dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo  sheegay in qaxooti  Soomaali ah dalkooda dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa sheegay in boqollaal qaxooti ah Soomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan aynu ku jirno ee Maarso.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay heystaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Danjire Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay in ay dedaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaas.
Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye oo meelaha qaar dadku ay wajahaan xaalado culus, iyadoo dadka halkaas qaxootiga ku ahna ay xaaladdahaas adag usii nugul yihiin.
Hadalka danjiraha ayaa imanaya xilli todobaadkii hore ay tobannaan qof ku dhinteen xero lagu hayay dad muhaajiriin ah

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post