1191 Views

Atariishada caanka ah Angelina Jolie oo sawir Masaajid ku iibisatay $7 milyan

Atariishada caanka ah Angelina Jolie oo sawir Masaajid ku iibisatay $7 milyan
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Sawir gacmeed uu sameeyay Ra”isul Wasaarihii hore ee Britain, Sir Winston Churc, oo ay lahayd atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Angelina Jolie, ayaa lagu iibiyay £7m kaddib markii lagu xaraashay suuq ku yaalla magaalada London.

Qiimaha lagu bixiyay sawirkan farshaxanka ah ayaa ku dhawaad afar jibaar ku ah qiimihii lagu qiyaasay inta aan la iibinin ka hor, waxaana uu ka sare maray lacagtii taariikhiga ahayd ee lagu iibsaday sawir gacmeedkii ugu dambeeyay ee Churchill, taasoo ahayd wax ka yar £1.8m oo kaliya.

Sawirka muujinaya masjidka Koutoubia, oo lagu sameeyay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa laga iibiyay qof aan magaciisa la sheegin.

Afhayeen u hadlay shirkadda alaabta xaraashta ee Christie ayaa sawirkan ku tilmaamay “shaqadii ugu fiicneyd ee uu sameeyay Churchill”

“Marka laga soo tago in uu yahay sawir aad u guuleystay, waa farshaxankii keliya ee uu sameeyay intii lagu guda jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayuu yidhi Afhayeenka.

Churchill, oo ahaa farshaxamiiste aad u firfircoonaa, ayaa dhiirrigalin ka helay magaalada ku taalla dalka Morocco, wuxuuna xardhay sawirka Masjidka Koutoubia intii uu socday shirkii Casablanca ee dhacay sanadkii 1943-kii.

Wuxuu markii dambe sawirka oo dhammeystiran siiyay hoggaamiyihii ay isku baheysteen dagaalka, oo ahaa madaxweynihii Mareykanka, Franklin Roosevelt.

Farshaxankaas ayaa ugu dambeyn gacanta u galay Angelina Jolie kaddib markii la geeyay suuqa gobolka New Orleans, sanadkii 2011-kii.

Xaraashka Isniintii lagu sameeyay ayaa kusoo gabagaboobay qiimo taariikhi ah oo gaaray £7m, wuxuuna waxba kama jiraan kasoo qaaday qiimihii la saadaaliyay in lagu iibsan doono, oo ahaa £1.5 ilaa £2.5m.

Shirkadda Christie ayaa sheegtay in qiimaha lagu iibiyay sawirka iyo lacagta u dul saaran shirkadda iibisay marka la isku daro uu kor u dhaafayo £8.2m.

Labo farshaxan oo kale, oo uu sameeyay Churchill ayaa isla goobtaas lagu iibiyay, saddexda sawir marka la isku daro qiimahooduna wuxuu noqday £9.43m.

Ka hor inta uusan siyaasadda ku biirin, Churchill wuxuu ka mid ahaan jiray militariga wuxuuna farshaxanka billaabay xilli dambe oo da’diisu ay ahayd 40 sano.

Wuxuu ka helay dhismeyaashii magaalada Marrakesh sanadihii 1930-meeyadii, markaasoo Morocco inteeda badan ay ku hoos jirtay gumeysigii Faransiiska.

Sawirka Masjidka wuxuu Churchil xardhay isagoo fadhiya barandada dhismihii uu dagganaa markii uu socday shirkii taariikhiga ahaa ee Casablanca, halkaas oo isbahaysiga reer Yurub iyo Mareykanka ay uga dhawaaqeen in aysan aqbali doonin wax aan ka ahayn “in Jarmalka uu si shuruud la’aan ah isku dhiibo” inta uu dagaalka socdo.

Sawirka waxaa ka muuqda masjidka oo ay ka dambeyso magaalo qadiimi ah, sidoo kalena waxaa laga arkayaa buuro qurux badan.

‘Aood jilicsan’

Kaddib markii ay wafdigii Mareykanka ka tageen shirka, Churchil wuxuu Morocco sii joogay hal maalin oo kale si uu sawirkaas farshaxanka ah u sameeyo. Kaddibna wuxuu hadiyad ahaan ugu diray Roosevelt oo u dabaaldagayay dhalashadiisa.

“Taasi waxay ahayd tallaabadii diblomaasiyadeed ee Churchil uu u qaaday si shakhsi ah,” ayuu yidhi Nick Orchard, oo ah madaxa shirkadda Christie ee iibisa farshaxanka Britain iyo Irland.

“Ma aysan ahayn hadiyad caadi ah oo ay hoggaamiyeyaasha isu diraan. Tani waxay ahayd awood jilicsan, waxayna muujineysay xiriir khaas ah.”

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post