345 Views

Taliyaha AFRICOM oo booqasho ku tegay Muqdisho

Taliyaha AFRICOM oo booqasho ku tegay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Gen. Michael Langley ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Qoraal lasoo dhigay bogga twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in danjire Larry André uu taliyaha kusoo dhoweeyey Muqdisho.

“Waxaan bixinaa kaalmo amni oo xoojinaysa saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyadoo Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso mas’uuliyadda shacabka Soomaaliyeed looga ilaalinayo rabshadaha xagjirnimada iyo baadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

General Langley ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka gaashaanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxayna ka wadahadleen iskaashiga militari ee labada dhinac iyo xoojinta taageerada Mareykanka siiyo dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan argagixisada.

Gen. Michael E. Langley ayaa 9-kii August la wareegay xilka taliyaha taliska AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, isaga oo beddelay Gen. Stephen Townsend.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post