327 Views

Madaxweynaha HirShabeelle & masuuliyiin kale oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Sh/ dhexe

Madaxweynaha HirShabeelle & masuuliyiin kale oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Sh/ dhexe
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wehliyaan Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa booqday aagaga hore ee dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha dhexe.

Masuliyiintaan ayaa furimaha dagaalka ee gobolka shabeelaha dhexe u jooga dhiiri galinta iyo abaabulka dagaalka kooxda Al-shabaab lagula jiro.

Bulshada deegaannadan oo soo dhoweeyey in laga xoreeyo Ururka Al-shabaab ayaa masuliyiintu waxeey ugu baaqeen inay ka qeyb noqdaan howlgallada oo Ciidamada ku garab-siiyaan soo afjaridda Al-shabaab.

Deegaanno badan oo katirsan Maamulka HirShabeelle ayaa ku sugan oo heysta Ururka Al-shabaab iyadoo ay haatan socdaan howlgallo ka dhan ah Ururkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post