1242 Views

Dagaal kooban oo goor dhawayd ka dhacay isgoyska sayidka, kadib Markii Ciidamada Dowlada isku dayeen in ay u gudbaan isgoyska Dabka

Dagaal kooban oo goor dhawayd ka dhacay isgoyska sayidka, kadib Markii Ciidamada Dowlada isku dayeen in ay u gudbaan isgoyska Dabka
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada H/wadaag ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa ay Hogaaminayaan Taliye ismaaciil Danab iyo Gudoomiye Jacfar oo halkaas xalay la wareegay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib Markii Ciidamada Dowlada ay isku dayeen in ay dhinaca Hotek Weheliye ka galaan wadada dabka gaar ahaan wadada Cariiif ee Hoos marta Hotel Weheliye, balse waxay iska cabin Xoogan kala kulmen Ciidamada Taliye ismaaciil Danab iyo Gudoomiye Jacfar oo xalay halkaas isku balaariyay.

Sidoo kale Rasaas mudo kooban socotay ayaa halkaas ka dhacday, sida uu Bogan u sheegay qof dagan xaafada H/wadaag gaar ahaan xaafada shantageed oo goor dhawayd la hadlay Bogan 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post