10749 Views

Gudiga iyo Waqtiga caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyey

Gudiga iyo Waqtiga caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 13, 2016 – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya xukunkeeda la wareegi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto.

Warar goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta ayaa sheegaya waqtiga rasmiga ee la caleemo saari doono Farmaajo.

Xafladaan oo loo qorsheeyey inay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala imaanayo wadamada ay Soomaaliya xiriirka la leedahay ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo taariikhda markay tahay 22 February oo ku aadan maalin Arbaco ah .

Guddiga baratakoolka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku howlan diyaarinta xafladaas oo dhici doonto marka uu Farmaajo la wareego madaxtooyada kadib.

Waxa ugu horeeyo ee Madaxweynaha laga sugayo markuu kursiga ku fadhiisto lana caleema saaro ayaa ah inuu si deg deg ah usoo magacaabo Cidda noqoneyso Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xilka Ra’iisul-wasaaranimo ayaa waxaa ka jiro loolan daran oo u dhaxeeyo beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo doonayaan in mid kasta ay iyada hesho xilkaas.

guddiga-qaban-qaabada-caleema-saarka-farmaajoguddiga-qaban-qaabada-caleema-saarka-farmaajo1

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment