780 Views

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukuntay eedeysane loo haystay kufsi.

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukuntay eedeysane loo haystay kufsi.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Galgaduud ay maanta xukun shan Sano ah ku ridday Maxamed Cabdi Dhoorre oo ku eedeysnaa kufsi iyo afduub uu ugu geystay degaanka Godinlabe, Farxiyo Cali Maxamed oo 6 jir ah 19-8-2021.

Axmed Salaad Kulane, Garsooraha maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa doodo iyo qiraallo dheer ka dib xiritaanka fadhiga ku riday eedeysanaha 5-sano oo xabsi ah iyo bixinta labo neef oo Geel ah oo ay maxkamaddu sheegtay in ay noqonayaan dhiigga gabadha.

Sidoo kale mudooyinkii la soo dhaafay Gobolada Somaliya waxaa ku soo badanayay Kufsiga Caruurta iyo kuwa qaangaarka ah loogu geysanayo, taasi oo ah dhaqan ku Cusub Somalida Sanadihii la soo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post