975 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka dowladda iyo Ahlusunna

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka dowladda iyo Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Xaaladda magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan ayaa Caawa deggan kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ilaa shalay ka socday.

 

Ciidanka dowladda ayaa si buuxda gacanta ku haaya Matabaan iyo Guriceel iyadoo maleeshiyaadkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay dhinac uga baxeen.

 

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Ahlusunna aysan ka bixin Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay wali jiraan kulamo u socda Ahlusunna iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Kulamo looga hadlaayay Tilaabadda ay qaadayaan hoggaanka Ahlusunna oo ka dhacay Xarunta INJi ayaa la isku mariwayay sidda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

 

Waxaa sidoo kale Khilaaf ka dhashay tilaabadda ay qaadayaan Ahlusunna oo soo gala dhex galay Mas’uuliyiinta Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

 

Magaalada Guriceel, ciidamada dawladda ayaa gacanta ku haya saldhiggii booliiska ee magaaladaasi oo ay saaka la wareegeen kadib markii xalay ay maleeshiyada Ahlu Sunna ka baxeen.

 

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment