723 Views

Xildhibaan dalbaday in Golaha la horkeeno qodobada kasoo baxa Shirka Muqdisho

Xildhibaan dalbaday in Golaha la horkeeno qodobada kasoo baxa Shirka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa weli ka socda Shirka u dhaxeeya Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

Shirkaan qabsoomidiisa ayaa waxaa horay u soo wajahay caqabado dhowr ah oo la xiriirtay khilaaf ka dhex-jiray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u diiday ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Hadaba Xildhibaan Dr Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qaba in hadii Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay doonaan in waxka bedel ku sameeyaan sharcigii ay ansixiyeen ee doorashayooyinka looga baahan yahay inay baarlamaanka horkeenaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post