339 Views

Qaraxyo Xoogan iyo Rasaas wali ka dhax socota caawa ka dhax socota Hotelka Xayaat habeenkii labaad

Qaraxyo Xoogan iyo Rasaas wali ka dhax socota caawa ka dhax socota Hotelka Xayaat habeenkii labaad
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Qaraxyo aad u xoogan oo laga maqlayo qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa caawa ka dhax socota gudaha hotelak Xayaat, waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas la is dhaafsanayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa isku dayaya 24-saac kadib in ay soo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen hotelka Xayaat, waxaana wali lasoo sheegayaa in xubno katirsan Al Shabaab hotelka ka dhax dagaalamayaan.

Jugta qaraxyada iyo rasaasta ayaana ah mid si weyn caawa looga maqlayo aaga hotelka Xayaat, waxaana hotelka kuwada sugan oo ku dhax dagaalamaya dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa sii kordhaya, waxaana aad u yar rejada hadda laga qabo in dad nool looga tago gudaha hotelka.

about:blank Ciidamada Gasahaan ayaa horey hotelka hub culus ugu garaacay una burburiyay qeybo badan oo kamid ah, waxaana ciidanka dowladda ku guul dareesteen in ay soo afjaraan weerarka Al Shabaab oo qaatay 24-saac ka badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post