1020 Views

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Rasaastii lagu furay Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Rasaastii lagu furay Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka ayaa War kasoo saaray rasaas ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Booliska ay ku fureen Difaaca Koowaad ee laga ilaaliyo Guriga Shariif Sheekh Axmed.

 

Warka ayaa siddaan u qornaa

Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa rasaas ku furay checkpoint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

 

Gaarigan ayaa si’ bareer ah rasaas ugu furay ciidanka ilaalada Sh. Shariif, waxayna askarta Guddoomiyaha Madasha muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal.

 

Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran.

 

Xildhibaan Yusuf Hussein Gama’diid, Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment