1383 Views

Soomaaliya & Kuwait oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah

Soomaaliya & Kuwait oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 22, 2021–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu haboon oo loo sii xoojin karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada  shacab iyo sidoo kale iskaashiga sidii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadanay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay aririntaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kal-fadhiga 76 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post