288 Views

Xaaladda dhaqaale iyo midda amni ee dalka Suudaan oo ka xun sidi ay ahayd afgambiga militari inta uusan dhicin.

Xaaladda dhaqaale iyo midda amni ee dalka Suudaan oo  ka  xun sidi ay ahayd afgambiga militari inta uusan dhicin.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Xaaladda dhaqaale iyo midda amni ee dalka Suudaan ayaa haatan aad uga xun sidi ay ahayd afgambiga militari inta uusan dhicin.

Ku xigeenka golaha madaxa bannaan ee Suudaan Sarreeya Guud Maxamed Xamdaan Dagalo wuxuu sheegay ciidamadii afgambiga sameeyey bishii Oktober ee kal hore iney fashilmeen.

Dagalo oo loo garan ogyahay Xameyti wareysi uu BBC siiyey wuxuu ku sheegay inta ay ciidamadu afgambi kula wareegeen talada dalka Suudaan iney xaaladda uga sii dareen.

Wuxuuna sheegay ciidanki afgambiga sameeyey iney ku fashilmeen hadafki ay lahaayeen, walow uusan carrabka ku dhufan waxyaabaha uu sheegay iney ku fashilmeen.

Wuxuuna inta araaciyey inuu ku jirin rabitaan siyaasadeed balse uu ka qayb qaadanayo oo keli ah waxkasta oo dalka Suudaan lagu samatabixinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post