915 Views

Dowladda Kenya oo iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.

Dowladda Kenya oo  iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: November 3, 2021

Dowladda Kenya ayaa qiimo yaab leh ku iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha.

Diyaaradaha la xaraashayo waxaa kamid ah laba diyaarahood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya.

Labadaan diyaaradood oo  lagu farsameeyey dalka Ruushka ayaa waxay iska dhex yaaleen garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) muddo badan, mana helin cid dayactirta ama soo qaada.

Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo kala ah EY-534 iyo 5Y-BXZ, oo midiiba lagu doonayo $4,006.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku xaraashto diyaaradahaan laga leeyahay Soomaaliya.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya.

By Saalax Saciid Sabriye 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post