921 Views

Akhriso: tirada Xildhibaanada isku diiwaangelisay u tartamida guddoonka doorashada labada aqal ee BFS

Akhriso: tirada Xildhibaanada isku diiwaangelisay u tartamida guddoonka doorashada labada aqal ee BFS
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Maanta oo khamiis ah waxaa ku eg diiwaangelinta Musharixiinta u taagan Xilka guddoonka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, iyadoo ay bilaabatay 19-kii bishaan islamarkaana loo qabtay muddo saddex cisho ah in lagu soo gabagabeeyo.

Guddiyadda guddoonka doorashada Golaha Shacabka ayaa diiwaangeliyay labadii maalin ee lasoo dhaafay musharixiin dhowr ah oo u tartamayo guddoonka golayaashaas, waxaana ay iskugu jiraan Xildhibaano hore usoo qabtay xilalka guddoonka iyo kuwa ku cusub.

Guddiga guddoonka doorashada Golaha Shacabka ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay musharixiin u tartameysa xilka Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa kuwaas oo gaaraya 22 musharax, waxaana qeyb ka ah musharixiintaas Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale, dhankooda Guddiga Guddoonka doorashada Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay iyaguna shahaadada musharaxnimo siiyeen Senatoro gaaraya 14 oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Maalinta Sabtida oo ay naga xigto beri oo ay taariikdu tahay 23 waxaa loo asteeyay in lagu qabto magaalada Muqdisho hadal jeedinta musharixiinta u tartameysa guddoonka labada gole ee BFS, iyadoo ay socon doonto illaa 24 bishaan April.

Intaa kadib waxaa lagu wadaa in laguudo galo doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, balse waxaa soo horreysa doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare taas oo qabsoomi doonto 26-ka bishaan halka doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka la qabanayo 27- bishaan April ee sanadkaan 2022.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post