2010 Views

Masar oo bilaawday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys

Masar oo bilaawday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021—Kabtan Sayed Shesha, oo ah lataliye ka ah  Hay’adda Kanaalka Suweys, ayaa wareeysi uu siiyay Muuqaal baahiyaha ON TV, ku sheegay in maanta ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan ciladahii qabsaday markabkii  Ever given oo dhawaan ku ciladoobay Kanaalka Suweys, isaga oo intaa ku daray in baaritaanada ay noqon doonaan kuwa caalami ah madaama arrinka uu si guud u sameeyay caalamka.

Lataliyaha Hay’adda Kanaalka Suweys ayaa sharaxay in baaritaanka ay qeeyb ka ahaan doonaan hubinta in kabtanka markabku uu ka jawaabay amaradii Hay’adda ka hor inta uusan markabku ciladoobin.

Khubarada u xil saaran baaritaanka markabkan konteenarrada siday ee muddada toddobaadka ku dhow  xayiray Kanaalka Suweys,  ayaa su’aalo la xiriira sababaha shilka  weydiin doona maamulka iyo Kabtanadii waday maraakan.

Mid kamid ah Hawl wadeenada Hay’adda Kanaalka Suweys oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in khubaradu ay iskudayi doonaan inay ogaadaan waxa sababay cilada markabka.

Wararka ayaa intaas ku daray in Injineerada ay baarayaan matoorada markabkan sitay Astaanta Panama lagana leahaa dalkaasi Japan, uu damacsanaa in uu u gudbo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post