927 Views

Australia oo daadgureyneyso shaqaalaheeda jooga Ukraine

Australia oo daadgureyneyso shaqaalaheeda jooga Ukraine
____________________________________________________________________________


axad: February 13, 2022

Australia ayaa sheegtay inay daadgureyneyso shaqaalaha ka jooga safaaraddeeda Kyiv, cabsi ay ka qabto in Ruushka uu ku duulo Ukraine awgeed.

Shaqaalaha ayaa la geeyay xafiis ku yaal magaalada galbeedka Ukraine ku taal ee Lviv, kuna dhaw xuduudda uu waddankaas la leeyahay Poland.

Ra’iisal wasaare Scott Morrison oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Shiinaha in aanu ka aamusin xaaladda taagan.

Waxa uu intaa raaciyay in Australia aanay indhaha ka qabsan doonin madaxda doonaysa inay waabsadaan dalalka kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post