852 Views

War DegDeg ah: Madaxweyne farmaajo iyo Raisal Wasaare Rooble oo ku heshiiyay Qodobo.

War DegDeg ah: Madaxweyne farmaajo iyo Raisal Wasaare Rooble oo ku heshiiyay Qodobo.
____________________________________________________________________________

khamiis: October 21, 2021

Waxaa goor dhawayd saxaafada la hadlay afhayeenka Raisal Wasaaraha Soomaaliya Macalimuu waxa uu sheegay in laga heshiiyay Qilaafkii dhex yaalay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Raisal wasaaraha Soomaaliya Rooble.

Heshiiskan ayaa ka mid ah in la laalo Taliyayaasha NISA ee laga kala magacaabay Xafiiska Raisal wasaaraha iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo, iyo in uu sii shaqeeyo Wasiirka Cusub ee Ammniga Qaranka C/llaahi Nuure.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa soo magacaabi doona usbuuca soo socda Taliyaha Cusub NISA oo la isku maan dhaafsanaa bilihii la soo dhaafay.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arimahaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post