1014 Views

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo ka soo jawaabay warbixin uu ka dalbaday Wasiirka Amniga

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo  ka soo jawaabay warbixin uu ka dalbaday Wasiirka Amniga
____________________________________________________________________________

 Arbaco:  December 29, 2021

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ka soo jawaabay warbixin uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

Warqad uu ku saxiixnaa Taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, uuna yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post