1017 Views

Wax ka baro Lix hoggaamiye Afrikaan ah oo xilka ka dhaxlay aabbeyaashood oo mudo Xilka hayay

Wax ka baro Lix hoggaamiye Afrikaan ah oo xilka ka dhaxlay aabbeyaashood oo mudo Xilka hayay
____________________________________________________________________________

April 23-2021

 Ma aha wax cusub in la dhaxlo xukunka amaba xil siyaasadeed iyadoo ay taasi ku dhaqmaan boqortooyoyaasha caalamka.

Balse waxaa sidoo kale jira dalal qaarkood ku yaalla Afrika oo xukunka ka dhigaya wax ay ka dhaxli karaan waaliddiintooda amaba awowyaashood.

Janaraal Mahamat Idriss Déby, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee dalka Chad Idriss Deby, ayaa Talaadadii loo dhaariyay xilka madaxtinnimo kaddib markii uu aabbihiis u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray furinta hore ee ciidanka.

Marka laga soo tago Chad, waxaa jira dalal kale oo Afrikaan ah kuwaas oo hore u qaaday tallaabo taas la mid ah iyaga oo carruurta ay geeriyoodeen aabbayaashood xilka madaxtinnimada hayay amaba ay is casileen u magacaabay xilkaas inkastoo aysan tani waafaqsaneyn dastuurka.

Joseph Kabila – Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo

Joseph Kabila Kabange wuxuu Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo xukumayay laga soo bilaabo January 2001 ilaa January 2019.

Wuxuu xilka qabtay 10 maalmood kaddib dilkii aabbihiis Laurent-Désiré Kabila.

Mr. Joseph Kabila wuxuu June 4, 1971, ku dhashay gobolka Sud-Kivu, wuxuuna ahaa sarkaal ciidamada ka tirsan iyo siyaasi.

Kabila, oo ah wiilka hoggaamiyihii mucaaradka Congo Laurent Kabila, wuxuu ku soo barbaaray waxna ku soo bartay Tanzania.

Wuxuu ka tirsanaa koox mucaarad ah oo aabbihiis ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro madaxweynihii Zaire Mobutu Sese Seko sanadkii 1997.

Kaddib markii Laurent uu noqday madaxweyne wuxuu dalkaasi ugu magac daray Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, iyadoo Joseph loo diray Shiinaha si uu u soo qaato tababar milatari oo dheeraad ah.

Markii uu dalkaas ku soo laabtay, waxaa loo magacaabay taliye guud iyo gaashaanle guud.

Faure Gnassingbé – Togo

Madaxweyne Faure Essozimna Gnassingbé Eyadéma wuxuu dhashay June 6, 1966, waana siyaasi dalka Togo madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 2005.

Kahor inta uusan noqon madaxweynaha Togo, aabbihiis Madaxweyne Gnassingbé Eyadéma, ayaa wasiir ka dhigay intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2005.

Kaddib markii uu geeriyooday Eyadéma sanadkii 2005, Gnassingbé waxaa si degdeg ah loogu magacaabay madaxweynaha cusub isagoo caawinaad ka helay milatariga.

Balse shaki laga muujiyay sida uu dastuurka dalkaasi ugu oggolaanayo ayaa cadaadis badan saaray Gnassingbé.

Wuxuu sidoo kale ku guuleystay doorasho si aad ah loogu tartamay oo dhacday April 24, 2005, waxaana loo dhaariyay xilka madaxtinnimo.

Gnassingbé waxaa dib loo doortay 2010.

Mahamat Idriss Déby – Chad

Madaxweynaha cusub ee Chad, Mahamat Idris Deby, waa janaraal ciidan isagoo ay da’diisu ka yar tahay 40 sano, isagoo xilka kala wareegay aabbihiis, Madaxweyne Idriss Deby Itnu 20-kii April, 2021.

Janaraal Mahamat Idriss Déby wuxuu dhashay sanadkii 1

Waxaa sidoo kale lagu magacaabaa Mahamat Kaka, sababtoo ah waxaa soo korisay ayeydiis.

Inta uusan aabbihiis dhiman kahor, wuxuu ahaa madaxa ilaalada aabbihiis, sida uu ku warramayo wakiil-wareedka BBC ee Chad.

Wuxuu intaas ku daray in intii uu xilka hayay uu ku lug lahaa dhowr dagaal milatari.

Ali Bongo Ondinba – Gabon

El Hadj Omar Bongo Ondimba waa siyaasi dalka Gabon u dhashay kaas oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalkaas oo muddo 42 sano ah xilka hayay laga soo bilaabo sanadkii 1967 ilaa markii uu geeriyooday sanadkii 2009.

Kaddib geeridiisii, wiilkiisa Ali Bongo Ondimba oo loo yaqaanno Ali Bongo ayaa xilka dalkaas qabtay bishii October 2009. Aabbaha iyo wiilkiisa ayaa Gabon xukumayay guud ahaan 54 sano.

Afrika waxaa sidoo kale jira labo dal oo ay xukumaan boqorro. Dalalkaas waa Morocco iyo Swaziland.

Dalalkaas caan ayay ka tahay in carruurtu ay xilka ka dhaxlaan waaliddiintooda marka ay dhintaan amaba ay xilka isaga tagaan.

Boqor Muhammed Bin Sidi Alaouite – Morocco

Boqor Muhammed Bin Sidi Alaouite dalka Morocco wuxuu August 21, 1963, ku dhashay caasimadda dalkaas ee Rabat.

Wuxuu xilka qabtay bishii July 23, 1999, kaddib markii uu aabbihiis geeriyooday Boqor Hassan II.

Wax yar kaddib markii uu xilka qabtay, Boqor Mohammed VI ayaa dalkaasi u sheegay inuu ka shaqeyn doono cirribtirka saboolnimada iyo musuqmaasuqa isagoo abuuraya shaqooyin isla markaana tixgelinaya xuquuqda aadanaha.

Si kastaba, isbeddellada uu sameeyay waxay caro gelisay xagjiriinta Islaamiga ah, wuxuuna cambaareyn xooggan kala kulmay Muslimiinta asal raaca ah.

Bishii December 2020, Boqor Mohammed VI ayaa oggolaaday xoojinta xiriirka Israa’iil kaddib heshiis ay Mareykanka wada galeen kaas oo ku saabsanaa in Mareykanku uu aqoonsado sheegashada Morocco ee ah gobolka Galbeedka Saxaraha ee lagu muransan yahay.

Boqor Mswati III – Eswatini

Boqor Mswati III (Makhosetive) wuxuu ahaa wiilka Boqor Sobhuza II waxaana dhashay mid ka mid ah xaasaska boqorka oo lagu magacaabp Ntfombi Tfwala.

Wuxuu April 19, 1968 ku dhashay Manzini.

Waxaa loogu magac daray Amiir Mswati III, Ingwenyama, markii dambena waxaana loo caleema saaray Boqorka Swaziland, April 25, 1986 isagoo jiray 18 sano, taas oo xilligaas ka dhigtay boqorkii ugu da’da yaraa dunida.

Boqor Sobhuza II ayaa geeriyooday August 21, 1982, Amiir Makhosetive ayaana loo doortay boqorka cusub.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post