1686 Views

Daawo: Xasan Sheekh iyo Dhalinyarada Xisbigiisa oo gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho

Daawo: Xasan Sheekh iyo Dhalinyarada Xisbigiisa oo gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL March 01, 2019–Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho, halkaasoo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxyada, kaddib markii Isbitaalada qaar ee la dhigay dhaawacyo ay dalbadeen in loo baahan yahay dhiig loo shubo dadka dhaawacmay oo aad u dhiig baxay.

Sidoo kale waxaa Xasan Sheekh wehliyay dhalinyarada Xisbigsa UPD, kuwaasoo iyana ka qeyb galay gurmadka dadka dhaawacyada ah.

Xasan Sheekh oo wariyeyaasha kula hadlayay Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in loo baahan in loo midoobo cadawga diidan jiritaanka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in qaraxa uu yahay mid Qaranka oo dhan ka dhacayay, oo aan si gaar ah Mas’uul loogu eedeyneyn, loona baahan yahay sidii loogu midoobi lahaa.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment