1236 Views

Jubbaland jawaab ka bixisay qoraalkii Dowladda Soomaaliya

Jubbaland jawaab ka bixisay qoraalkii Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Maamulka dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinki barlamaanka ee Jubaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sharci-darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaasheegtay in loo baahan yahay in la magacaabo guddi farsamo oo loo dhan yahay kana shaqeeyn doonaa soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment