435 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah musharaxiintii uu  kula tartamayay xilka Madaxweynaha dalka, kuwaas oo ay horay ay uga wada tirsanaayeen golihii Midowga Musharaxiinta.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, horay u sii wadida dowladnimada Soomaaliya iyo dhameystirka Hay’adaha kala duwan ee dowladda maadaama dalka uu galay isbedel dhinaca hoggaanka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan wuxuu kulamo kala duwan la yeelanayay saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kulamadaas oo ku saabsan sida isbedel dhinac walba ah loogua sameyn lahaa dalka.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kala wareego Madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo intaasi kadib guda geli doono la tashiyo ku aadan soo  Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub oo dalka samata bixiya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post