990 Views

Guddoomiye Cumar Filish” Xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafadda”

Guddoomiye Cumar Filish” Xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafadda”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 04, -2019 —MGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeyay taliye kuxigeenka Cusub ee Booliska Soomaaliyeed Cismaan Cabdullaahi Kaniif ayaa ka hadlay habka madaxda Dowladda u maraan xilalka ay magacaabayaan.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalka u salaxeen ciyaalka Xaafada,hayeeshee uu rajeynayo in doorkooda qaadaan doonaan raja weyna uu ka qabo inay la yimaadaan isbedel ka duwan madaxdii ka horeeysay.

 

“Runtii xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafada,balse waxaan rajeynayaan inay doorkooda qaadan doonaan kana duwanan dooonaan kuwii ka horeeyay,Cismaan Cabdullaahi,Xijaar , Janeraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Amniga waxaan isla nahay Ciyaalka Xaafada ayuu yiri”Guddoomiye Cumar Filish.

 

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadaya xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalkii ugu badnaa u Magacaabeen dad Dhalinyaro ah,kuwaas oo aan khibrad badan u laheyn xilalkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment