231 Views

Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo la furayo

Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo la furayo
____________________________________________________________________________

Nairobi | May 15, 2023 – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduuda dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya, oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in bishaan May ee 2023-ka gudaheeda la furi doono saddex goobood oo muhiim ah, kana tirsan xadka oo la xiray sanadkii 2011-kii, markaas oo ay kordheen weerarada ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka kenya.

Saddex marin ee la furayo ayaa kala ah Mandera/Beledxaawo, Lipoi Hargar/Dhoobley iyo Kiunga/Raaskambooni, halkaas oo muhiim u ah isku socdka labada shacab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post