396 Views

Sawiro: Wasiirka Beeraha Oo Maanta Muqdisho Ka daah furay Shir muhiim u ah waxsoosaarka beeraha

Sawiro: Wasiirka Beeraha Oo Maanta Muqdisho Ka daah furay Shir muhiim u ah waxsoosaarka beeraha
____________________________________________________________________________

Wasiirka WasaaraddaBeeraha iyo Waraabka Xukuumada Somaaliya Mudanne Axmed Madoobe Nuunoow   ayaa Maanata Daah Furay kulankan anxsixinta Mashruuca ashruuca habka Beerashada Casriga iyo Baxnaaninta Dhuldaaqsimeedka(Adaptive Agriculture and Rangeland Rehabilitation). Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday muhimadda Mashruuca u leeyahay dalka iyo dhisidda u adkeysiga iyo la qabsiga Isbeddelka cimilada.

Yoolka laga leeyahay Mashruucan ayuu wasiirka ku sheegay in ayatahay kobcinta dhaqaalaha, waxsoosaarka beeraha, horumarinta daaqa, u adkeysiga cimilada , iyada oo loo marayo maaraynta wax ku’oolka ah ee kheyraadka dabiiciga ee heerarka kala duwan leh.

Mashruucaan ayaa waxaa ka wada shaqeyn doona  Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka & Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyaga oo kaashanaya Hey’addaha IFAD & GEF.

Wasiir Axmed ayaa ugu dambeyn hadallkiisda kusoo xiray in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka in   ay ka go’antahay horumarinta Waxsoosaarka dalka  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post