387 Views

Madaxweyne Xasan oo saakay gaaraya Wisil, Baxdo, iyo Hiiraan ilaa Duleedka Wabxo si loo kordhiyo Dagaalka Khawaariijta

Madaxweyne  Xasan oo saakay gaaraya Wisil, Baxdo, iyo Hiiraan ilaa Duleedka Wabxo si loo kordhiyo Dagaalka Khawaariijta
____________________________________________________________________________

Sabti: 19 Nofembar 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Sidoo kale, waxa uu ku bogaadin doonaa sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post