1284 Views

Qasaare ka dhashay Qarax caawa ka dhacay Makhaayada Luul Yamani oo ku dhegan dekadda magaalada Muqdisho

Qasaare ka dhashay Qarax caawa ka dhacay Makhaayada Luul Yamani oo ku dhegan dekadda magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayay  Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo  ka dhacay afaafka hore ee Makhaayada Luul Yamani oo ku dhegan dekadda magaalada Muqdisho.

Jugta  Culus iyo Qiic ayaa hareeyay xaafadaha wabari xamarjajab oo Deegaan ahaan ay ku taalo Maqaayada, waxaana qaraxan uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu gaystay qasaare  ka sokow uu qasaare u geestay Mootooyinkii iyo Gaadiidkii marayay wadada.

Qaraxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uu sidoo kale qaraxa sababay bur bur , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in guri dabaq ah oo kuyaala meel ku dhaw goobta qaraxa ka dhacay uu soo dumay ayna ka dhalatay waxyeelo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post