885 Views

Maxaa looga hadlay kulankii Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka?

Maxaa looga hadlay kulankii Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta kulan khadka Internet-ka kula yeesheen wakiillo ka socday Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya, iyaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xilligan cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo Xubnaha Midowga Musharixiinta ay Beesha Caalamka u gudbiyeen mowqifkooda ku aadan muddo xileedka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo walaacooda doorashooyinka.

War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu qeyb ka ahaa wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo sidii ay ku dhici laheyd doorashada.

“ Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay maanta khadka Internet-ka kulan kula yeesheen wakiillo ka socday Golaha Musharraxiinta Madaxweynaha, taas oo qayb ka ah wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii si dhaqso ah loogu qaban lahaa doorashada ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa ay carrabka ku adkeeyeen sida ay tahay in loo ixtiraamo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebteembar oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan musharrixiintu ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee Soomaaliya.

Kulankan Maanta dhex-maray xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli musharixiinta ay wadaan abaabul ku aadan in Maalinta Jimcaha ah Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ay ku qabtaan banaanbax ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post